Goormay Isbarteen Qabyaalada Iyo Soomaalidu ?

0 votes
Dhacdo>wariye ahmed iyo qabyalad
 
0% / 0 votes
Weriyuhu wuxuu sitay qalabkiisa oo wuxuu diyaar u ahaa in uu waraysi iyo war helo. Wuxuu si kedis ah uga soo hor baxay qabyaalad raran oo guuraysa. Inkasta oo ay diidday inay waranto markii hore, in badan na ay santaag iyo afbuur kaga jawaabtay dalabka weriyaha ee inay u waranto, waxay shardi ku xidhay weriyihii. Waxay u sheegtay in aanay raalli ka ahayn in uu sawir ka qaado oo muuqaal laga reebo. Sidan ayuu u dhacay waraysigii;
 
0% / 0 votes
Suxufi (S): Halkeed ka soo jeeddaa qabyaaladeey?
 
0% / 0 votes
Qabyaalad (Q): Qiimaha iyo qaayaha aan leeyahay waxaan ku caddaynayaa halka aan ka soo jeedo oo lagu sheegay quraanka oo ah qabiil iyo waxa loo abuuray, balse sida qaldan ee loo adeegsaday asalkaygii ayaan cuqdad ka qaaday, oo aan noqday qaabkan aan hadda ahay.
 
0% / 0 votes
S: Dadka qaarkood baa aaminsan in aad umadaha gumaysato ee goorma ayaad bilowday gumaysigaa? Xaawa iyo Aadan miyaad ka horraysay?
 
0% / 0 votes
Q: Muddo aad u fog ayaan bilaabay arintaa. Maya, ee mar walba waan dhashaa oo ubadku marka ay dhashaan ayaan soo raacaa oo qof kasta sidiisa ayaan ula socdaa.
 
0% / 0 votes
S: Shaydaanka iyo Nebi Aadam miyaad kala dhex gashay?
 
0% / 0 votes
Q: Haa oo shaydaankaba waan lu’gooyay oo waxaan ku idhi adigaa sharaf badan oo dab lagaa abuuree, sideed ugu sujuuddaa dhoobo? halkaa dagaalkii aan ka riday ilaa hadda waa uu socdaa.
 
0% / 0 votes
S: Imisa dagaal ayaad ka soo ridday dunida?
 
0% / 0 votes
Q: Tiro ma leh, anaa aduunka rogay, anaa bari iyo galbeed dhuuxa kala bixiyay, dadkaa sidaan u waday waxa aan gaadhsiiyaya heer aanay waligood ka soo laabanayn oo qabiilka ayay ilaabeen oo malaha ab iyo ab toona.
 
0% / 0 votes
S: Maxay tahay qaddiyadda adiga iyo Soomaalida idinka dhexaysaa?
 
0% / 0 votes
Q: ha igu soo qaadin kuwaa, Soomaali aaa, waar ma nimanka isku dayay in anoo nool ay I aasaan aroor hore, haatan miyay I dilaan oo markaa ay I aasaan? Taa weeyi waxa aan ku haystaa iyo la dagaalanka ay igula jiraan, miyaanad maqal iyago oo leh waa in lala dagaalamaa qabyaaladda, iyagoon wax tallaabo ah qaadayn? Kuwaa waxa isaga qaldan ab-abka iyo faanka anigaa laandheere ahda.
 
0% / 0 votes
S: Xilligii Rasuulka (CSW) waxa la ogaa in aad isku diri gaadhay saxaabadii oo aad dagaal ka dhex ridi gaadhay, bal waxaad noo sheegtaa sida aad Soomaali u waxyeellaysay?
 
0% / 0 votes
Q: Soomali tay I badday waan kuu sheegay, aniguna in aan kuu sheego taan iyaga baday caddaaladda ayaa I faraysa. Marka hore waxaan fahmay halkay u jilicsan yihiin, kaddibna halkaa ayaan ka gujiyaa oo marka hore qofka ayaan cuqdad nafsi galiyaa. Waxaan siiyay cabbir oo aan idhi isu-qaybiya sidaa, waxna ku qaybsada. Haddii uu kibir galo waxa aan ka dhigtaa ciidanka aan ku dagaal galo. Haddii uu jaahil yahayna waxa aan tusaa cilmi-dhegood xeel-dheer, ceebihiisana waan ka qariyaa. Intaa markuu soo dhaafo ayaan ciidanka qortaa oon u sheegaa in uu haysto derajada PHD ee reer-ku-faanka iyo sheegashada reerkiisa, halka dunida kale tacabka kaga faanto. Waxa kale oo ciidankayga ka mid ah eddooyinka iyo adeerrada reeraha oo qaabilsan inay ubadka ku beeraan taariikhdayda iyo ku-faanistayda. Sidoo kale, waxa ciidankayga ka mid ah ayeeyooyinka oo iyana hablaha laga guursado oo dhan ku tallaala doorkayga iyo in ay reerahooda ku faanaan. Ku darsoo, ayeeyooyinka waxaan ku jeclahay xitaa tuugga reeraha u soo dhaca waxay yaqaanaan reerkooda oo waxay u sheegaan ubadka in tuugga soo dhacay uu reer hebel ahaa, taasina waxay gacan siisaa hawl-galkayga. Kollay suxufi sirta oo dhan kuu sheegi maayee oo waan soo laaban doonaye waxa aan ciidanka qortaa cidda dulmanaha ah ee laga gardaran yahay oo iyaga sida bacda ayaan cadho afuufaa oo waan uleeyaa xataa waxa damaqda eegmada.
 
0% / 0 votes
S: Horta waan hilmaamee aan ku waydiiyee, qabyaaladeey halkeed deggan tahay?
 
0% / 0 votes
Q: Dadka ayaan dul degannahay oo qolo walba meel ayaan ka degannahay; dumarka afka iyo ganbada ayaan ka daganahay, dhalinta hunguriga iyo xiniinta ayaan ka daganahay oo waxa aan ku idhaah caruurta abti u sameeya cidda aad wax la cunaysana ogow. Odayaasha waxaan ka degannahay qalbiga, gaar ahaan qaybta xasuusta oo waxa aan camal uga dhigaa taariikhda iyo dhaqanka ilaali, intii reerkiinu duulay yaanay kaa lumin, ubadka uga dhig sheeko ka garan waaya geeri ku sheeg. Waxaan faraa in uu ubadka u sheego inay taariikh ahaan reerkoodu ka adkaan jiray reer hebel oo aanay sinnayn. Abwaanadda cadhaysan waxaan u fadhiyaa tixda gabayga oo hadii aanu reer soo hadal qaadin waxa aan u sheegaa in aanan gabaygiisa meeel gaadhsiin doonin ilayn anaa suuqgaynta u qaabilsan’e. Qoraaga waxa aan ka degannahay xagga qalinka oo waxa aan ku idhaah tolkaa taariikh ay ku faanaan u reeb. Digtoorka waxaan u dhex fadhiyaa bukaanka oo waxaan ku idhaah horta miyaad eegtid cidda ugu badan eed aad dawayso, sida u ku gartaana waa in uu su’aalaha ugu daro adeer xaafaddu waa halkee? Marka uu bukaanku u sheego ayuu garanayaa cidda uu yahay bukaanku. Macallinka waxaan u dhex galaa ardayga oo waxaan ku idhaahdaa horta maad ogaatid cidda ugu badan ee aad wax u dhigto, isna xaafadda ayuu waydiiyaa. Idinka saxaafad ahaan laftiina waxaan idiin dhex fadhiyaa mareegaha internet-ka iyo wargaysyada oo waaba ciidankayga ugu adag. Waxaan ku kallifaa inay iswaydiiyaan horta reerka buunbuuni oo dantooda ka hadal iyo shirarkooda. Culimada diinta waxaan kasoo galaa xagga bixinta sadaqada iyo sakada oo iyaga waxaan ku idhaahdaa ‘Al aqrab summa Al aqrab” markaasaan xadka ka tallaabiyaa oo gacanta iyo qoorta ayaan iskugu xidhaa. Waxaan illoobi gaadhay gaadiidkayga aan heeryada ugu badan saarto oo ah siyaasiga; isaga la’aantii waxbaba iima suurtogaleen oo xitaa ka bisinka u qoraya ayaan idhaahdaa waa inuu reerkiina noqdaa. Kala-qaybinta iyo isku-dirka iyaga ayaaban u adeegsadaa.
 
0% / 0 votes
S: Hay’adaha aan dawliga ahayn iyo ururada ka waran iyaga?
 
0% / 0 votes
Q: Ma cid baaban dhaafaa? Horta aan sir ku siiyee miyaadan ogayn in hay’ad kasta iyo urur kasta uu reer u xidhan yahay oo gaalka la soo diray uu ku sigtay in uu reer la dhiig baxo? Soo ma ogid in gaalku uu ka mid noqon gaadhay reeraha Soomaalida oo la odhan gaadhay ‘Hebel wuxuu ku biiray reer hebel’. Midda kale waxa ii fudud in aan niyad jebiyo ardayda jaamacadaha kadib na waxa aan ku kalifaa in uu tahriibo sida ay wax u dhacaana waa sidan; yarka jaamacadda ka baxay marka uu codsi shaqo xaraysto, ayaan dadka qaadaya waraysiga shaqada waxaan ku amraa in uu waraysto ardaygu xaafadda uu deggan yahay iyo in uu hubiyo cidda garanaysa ee uu ku soo qoray lifaaqyada codsigiisa shaqo. Haddii uu ku soo qoro cid caan ah waxa aan u sheegaa codsi-qabtaha ciddaa uu ninkani yahay mar hadii laga helay hebal iyo heblaayo. Markaas ayaan yarkii jaamacadda ka baxay waxaan dhegaha ugu ridaa; war ma aragtaa cidda la soo saaray? Waxba meesha kuuma yaallaan ee kollay baratay waxaad ku shaqasato’e dalka kuugu dhaw ka soo biyo cab. Markaan soddomeeyo caynkaa ah isku xidhxidho ayaan badda u eegaa oo aan idhaahdaa sanadkan khad baa furan ee ka bax dalka, hadii lagu soo tuurana tukaan yar ayaad furan doontaaye. Badda marka ay ku qarqoomaan ee idaacadaha laga sheegana, waxaan odayaasha dhegaysanaya ku idhaahdaa kol haddii aanay reerkiina ahayn kuwaasi intii ay tarmi lahaaayeen aakhiro ha buuxshaane iska dhaaf! Haddii ay ogaadaan in reerkoodu ku jirayna waxa aan idhaah caruur gaajootay dheh, bal may iska joogaan dhoof jecelaa sawtan meel walba uu amaanku hadheeyay ee dalkoodu aaminka yahay, tolkuunbay madaxa kala tageene. Imika waxaan ugu jeclahay dadka midka wali sirteeyda aan fahmin asagana la dhimanayaaaa
 
0% / 0 votes


Click here to share poll on specific pages, user profiles or purchase votes!